Soo dhawee

Ku soo dhawoow Xarunta Howard. Waxaan bixinnaa adeegyo caafimaad maskaxeed oo buuxa, isticmaalka maandooriyaha, iyo adeegyada naafada koritaanka carruurta, qaangaarka, iyo qoysaska degmada Chittenden. Waxaan rajeyneynaa inaad ka hesho macluumaadka boggeena internetka ee ku saabsan adeegyadayadeena iyo khayraadyo caawin leh.

Haddii ay tani tahay xaalad Caafimaad oo degdeg ah, fadlan wac 9-1-1.

Haddii adiga ama qof aad taqaanid uu la kulmaayo dhibaato, fadlan wac 802-488-7777, Wicitaanka Ugu Horeeya ee Gobolka Chittenden, taleefoonkeena Adeegga Dhibaatada ee 24/7/365. Dawoonyinkana waxay bixiyaan cawimad telefoonka iyo cawimad shaqsi ahan, qiimeynta shakhsiyeed, maareynta dhibaatooyinka muddada gaaban, u gudbinta adeegyada haboon, iyo macluumaadka ku saabsan khayraadka bulshada.

Si aad ugala hadasho xubin kamida shaqaalaha wax ku saabsan adeegeena, wac 802-488-6000. Markaad soo wacdo, waxaad la hadli doontaa shaqaalaha Xarunta Howard kuwaasoo ku qabanqaabin kara adeeg turjubaan taleefoon oo aan ahay lacag ah.

Qaar ka mid ah adeegyada badan ee aan bixino waxaa ka mid ahaa

  • qaadashada iyo adeegyada qiimeynta
  • dhibaatooyinka iyo adeegyada la talinta carruurta, dadka waaweyn, iyo qoysaska
  • adeegyada cawimad loogu talagalay dadka qaba cudurka dhimirka iyo naafonimada caqliga
  • la-talinta iyo adeegyo caafimaad oo loogu talagalay dadka qaba dhibaatooyinka isticmaalka maandooriyaha
  • adeegyo xoogan oo loogu talagalay dadka qaba cilladaha caafimaadka maskaxeed oo adag oo joogto ah
  • waxbarashada iyo adeegyada dugsiga ee carruurta, dhalinyarada, iyo qaangaarayaasha yaryar
  • Cawimad degaanka iyo adeegyada

Waxaan bixinnaa daryeel iyo daaweyn naxariis leh. Waxa laga yaabaa inaanu dadka caawino muddo gaaban ama aan caawino karno noloshooda oo dhan. Waxaan u caawinnaa dhalinyarada iyo waayeelka isku si. Waxaanu dadka ku caawinnaa guryahooda, shaqada, bartammaha magaalada, iyo dhamaan bulshadeena. Waxaan rajeyneynaa haddii aad u baahan tahay cawimad ama adeegyo aad si dhab ah u raadin kartid in Caawinaadaas halkan joogaan.

 

Bob Bick, CEO
Xarunta Howard